Fursadda wanaagsan ah ee nolosha waxay ku bilaabataa bilow xoogan oo caafimaad leh. Nasiib darrose, carruur badan oo ku nool Soomaaliya ayan weli taas helin, cilmibaarisyadii ugu dambeeyay waxay sheegeen in 100kii carruur ah ee Soomaaliyeed 4 ka mid ah ay dhintaan inta lagu jiro bisha ugu horreysa ee nolosha, 8 ka mid ah 100 ka hor dhalashadooda koowaad, iyo 1 ka mid ah 8 ka hor inta aysan shan sano gaarin. Tani waxay ka dhigan tahay in ka badan 60 boqolkiiba carruurta ka yar shanta sano ee dalkeenna ku dhinta. Taasi waxaa usii dheer, 12-kii dumar ahba mid ayaa sanad walba u dhinta sababo la xiriira uurka iyo dhalmada.

Mid kasta oo ka mid ah dhimashooyinkani waa masiibo, gaar ahaan maxaa yeelay intooda badan waa laga hortagi lahaa.

In ka badan boqolkiiba 80 dhimashada dhallaanka cusub waxaa sabab u ah dhicis, xiiq, dhibaatooyin xilliga dhalashada, ama infekshannada sida oof-wareenka, shuban-biyoodka, jadeecada iyo cudurrada dhalaanka. Dhimashooyinkaan waxaa looga hortegi karaa helitaanka umulisooyin iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo si wanaagsan u tababaran inta lagu jiro booqashooyinka dhalmada ka hor iyo goobo caafimaad oo ay ku dhalaaan. Intaa waxaa sii dheer, helitaanka biyo nadiif ah, iyo jeermis-dileyaal, gacmo-dhaqashada, naas nuujinta saacadda ugu horreysa, daweynta ubaahan taabashada maqaarka ama jirka, daryeelka saxda ah ee xudunta, iyo nafaqada wanaagsan ayaa kamid ah xalalka la xaqiijiyay.

Inta badan, waxqabadyadan kharashkoodu yaryahay ee fudud ayaa ka baxsan meelaha ay gaaraan hooyooyinka iyo dhallaanka u baahan.

Heerarka tallaalka oo hooseeya iyo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh iyo sahay nafaha lagu badbaadiyo ayaa wiiqaya fursadaha carruurta ee ah inay ka badbaadaan dhallaanka hore iyo inay horumariyaan awooddooda buuxda Khataraha caafimaad ee carruurta xaaladaha degdegga ah kujira ayaa aad u sarreeya. Adeegyada caafimaadka ee naf-badbaadinta ah badanaa lama heli karo ama lama gaari karo, taasoo ka dhigeysa dhallaanka, carruurta, dhalinyarada iyo hooyooyinka inay si gaar ah ugu nugul yihiin waxyeelada.

Waxaan dhisnay xarumo caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah (MCHs) oo adeegyada caafimaadka u fidiya hooyooyinka iyo carruurta.