Caqabadaha deegaanka ee Soomaaliya ka jira ayaa u badan kuwo dabiici ah oo ay dadku sameeyeen. Caqabadahaasi waxay la xiriiraan xaalufinta dhirta, qashinka wasakhda ah ee badda iyo berriga.

Dhibaatooyinka deegaanka ee dadku sameeyay waxaa ka mid ah xaalufinta dhirta loo dhoofiyo dhuxusha, daadinta qashinka halista ah, iyo dhaqashada xoolaha iyo beeraha oo culeys ku haya kheyraadka dabiiciga. oomaha sii kordhaya ee cimilada Soomaaliya, oo ay weheliso jarista alwaaxda iyo daaqa xad-dhaafka ah ayaa u baahan fara-gelin ballaaran iyo iskaashi si looga hortago xaalufinta sii socota iyo faafintaanka lamadegaanka

Ilaalinta deegaanka waa mid ka mid ah xaaladaha aasaasiga u ah horumarka guud ee Soomaaliya. Haddii la doonayo in la dhiso koboc dhaqaale iyo horumarin, mana jiro dal adduunka ka jira oo aan rabin in sidaas la yeelo, waa in laga qayb horumarinta qaataa noolayaasha kaladuwan. Marka wacyigelinta ilaalinta deegaanka la horumarinayo, waa in sidoo kale la horumariyaa wacyiga aadanaha ee kusaabsan baahida loo qabo in la ilaaliyo deegaanka iyadoo laga hortagayo saameynta balaaran ee ka dhanka ah degaanka dabiiciga ah. Sharcigu, cilmi saynis ahaan, wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa dadaalladan.

Nabaad-guurka dhulka ayaa ah arrin muhiim u ah deegaanka Soomaaliya, oo xiriir dhaw la leh xaalufka, abaaraha iyo xoolaha iyo beeraha dhaqankooda oo aan waarayn. Cunno la’aan iyo habnololeedka, qashinka halista ah, maareyn la’aanta badda iyo xeebaha, iyo yareynta iyo maaraynta aafooyinka dabiiciga ayaa kamid ah ah dhibaatooyinka walwalka leh ee ka dhanka ah deegaanka.

Kaymaha waxay gaarayaan 13 boqolkiiba guud ahaan dhulka Soomaaliya. Meelo badan oo ka mid ah dhul-daaqsimeedka waxaa dabooli jiray noocyada geedaha kala duwan, gaar ahaan geedka quraca. Keymaha daadadka ah ee ku teedsan labadeena webi ee Shebelle iyo Jubba waa la burburiyey iyadoo loo banneeyey dhul beereedyo yaryar iyo beero. Kaymaha waxay hoy u yihiin inbadan oo ka mid ah Soomaaliya in ka badan kun nooc oo xayawaan caan ah iyo in ka badan saddex kun oo nooc oo dhir ah oo qaarkood ay yihiin kuwo gaar ah. Baarayaasha ayaa cadeeyay in dhuxusha la shito ay noqotay isha dhaqaale ee ugu weyn boqolkiiba 70 ee xoolo dhaqatada saboolka ah iyo kuwa dhexe. Waxaa la qiyaasayaa in afar geed la jaro si loo soo saaro hal jawaan oo dhuxul ah. Warshadaha dhuxusha waxay saameyn weyn ku leeyihiin amniga hab-nololeedka oo sii xumeynaya isku dhacyada bulshada iyo u nuglaanshaha abaarta sidoo kale waxay si xowli ah u xaalufineysaa kheyraadka kaymaha.

Mu’asasada Yaasmiin Foundation ayaa dadkeena ka wacyi galin doonta jarista dhirta iyo dhir beerista.