Waxbarashada heerarka hoose, dhexe iyo sare weli waa riyo ama wax aysan heli karin carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed badankood iyada oo la tixraacayo in ka badan afar milyan oo carruur ah oo aan haysan fursad waxbarasho sida lagu lagu sheegay cilmi baaris dhowaan la sameeyay. Xaaladdan si kastaba ha ahaatee iskood isugu ma geystaan carruurta ama waalidkood / cida mas'uuliyadooda haysa ee waa natiijo ka dhalatay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin;

DAGAALO
Soomaaliya waxaa ka socday dagaal sokeeye oo aad u daran muddo ka badan labaatan sano oo sababay barakaca inta badan muwaadiniinteeda, dhimashada carruurta iyo muwaadiniinta waayeelka ah iyo burburka kaabayaasha taasoo u horseedeysa heerar aad u xun oo saboolnimo, dhibaatada xun ee dagaalka ayaa saameyn weyn ku yeelatay waxbarashada maadaama barokicinta muwaadiniinta ay sababtay in caruurtu ay ka baxaan aagagii ay wax ku soo barteen waalidkuna ay diirada saaraan badbaadada qoysaskooda halkii ay ka baran lahaayeen caruurta iyo inta badan sababo la xiriira saboolnimo ba'an heer xitaa ay awoodi waayaan nolol maalmeedka aasaasiga ah sidaas darteedna ay u arkaan waxbarashada inay tahay xarago.

WAXYBAAHA ASAASIGA AH OO AAN KU FILNEYN
Waxbarashada Soomaaliya waxaa si weyn u saameeyay heerarka aan ku filneyn ee agabka muhiimka u ah sida shaqaale aan u qalmin inay wax u dhigaan oo ay maareeyaan iskuulada, buugaag iyo qalabka waxbarashada oo aan ku filneyn si ay ardeyga ugu fududaato waxbarashada iyo tan ugu muhiimsan oo ah dhaqaalaha ay ku hawlgalaan hay'adaha waxbarasho ee nocaasi oo aad u yar.

Tas-hiilaadka
Tas-hiilaad la'aanta waxbarasho ee ka jira inta badan gobolada dalka ayaa dhabar jab weyn ku noqotay waaxda waxbarashada iyadoo inta badan caruurta ku baahsan miyiga dalka oo dhan gebi ahaanba laga joojiyay fursadan iyada oo qaarkood ay lugeynayaan masaafo dheer si ay u u gaaraan goobahaasi taas oo inta badan khatar gelinaysaa nabadgelyada iyo badbaadada carruurta noocaas ah.

DHAQANKA DIB USOCODKA AH
Gabadha yar waxay dhibbane u ahayd dhaqammada dib-u-socodka ah ee bulshada Soomaaliyeed, dhaqamada sida guurka deg deg ah, dhaqamada gudniinka Fircooniga ah, shaqada guriga oo carruurta aan qaan gaarin loogu tala galay inay koriyaan walaalahooda ka yar ayaa sababtay in gabdhaha badankood ay seegaan fursadaha waxbarasho ee wiilka uu helo.

AAN LOO DHAMAYN
Carruurta naafada ah ayaa inta badan looga tagay sababo la xiriira la'aanta tas-hiilaad waxbarasho oo daboola baahidooda sidaa darteedna badankood waa inay guriga joogaan.