Biyaha waxaa badanaa lagu sheegaa inay yihiin "nolol" sidaa darteed qofku wuxuu qaadi karaa talaabooyin xad dhaaf ah si loo badbaadiyo noloshaan, Soomaaliya tusaale ahaan cilmi baaris ayaa muujineysa in kaliya 52% dadka dalka ay heli karaan biyo nadiif ah, sidaas darteed inta soo hartay ee 48%, waa inay u halgamaan nolosha. Maadama Dalka uu sabool yahay inta badan biyaha nadiifka waxaa bixiya shirkado gaar loo leeyahay oo habeeya biyahooda sidoo kale kor u qaada qiimaha taas oo ku qasbaysa muwaadiniinta saboolka ah inay u guuraan masaafo dheer iyo xaalado qatar ah oo noloshooda khatar gelinaya si ay u gaaraan goobaha biyaha si ay u soo dhaamiyaan biyo sy ku sii wadaan naftooda muddo xaddidan. Caadada dhaqameedka ayaa ah in dumarka qoysaskooda biyaha usoo dhaamiyaan ,meelaha cidlada ah halkaas oo ay kala kulmi karaan noocyo kala duwan oo khatar ah waxayna halis ugu jiraan inay noqdaan dhibanayaal faraxumeyn galmo ah iyo waqti qaadashada hawsha oo horseed u ah sababta ay uga maqnaadaan dugsiga. La'aanta helitaanka biyo nadiif ah ayaa sabab weyn u ah cudurada sida fudud looga hor tagi karo, sida shuban biyoodka, shuban biyoodka ba'an, daacuunka, iyo infekshannada neef mareenka iyo dhimashada hooyooyinka iyo carruurta ee difaaca jirkoodu liita.
Soomaaliya waxay ka kooban tahay bulshooyin xoolo dhaqato ah iyo reer guuraa sidaa darteed helitaanka biyo ay xooluhu ka cabaan ayaa ah mid aad muhiim u ah si loo joogteeyo bulshooyinka noocan ah. Yasmin foundation waxay ku hawlan tahay dhowr mashruuc oo ujeedkeedu yahay helitaanka biyo nadiif ah maadaama aan horeyba uga qodnay ceelal meelaha miyiga ah si aan ugu soo dhaweyno goobahaas dadka.