Yasmin foundation waxaa sanadkii 2010 aas aasay danjire Mohamed Ali Nur (Americo) iyo qoyskiisa. Hay’ada waxaa loogu magac daray Yasmin oo ah gabadhi uu dhalay Ambasador Mohamed, oo 1992 lagu dilay dhacdo nasiib daro ah oo ahayd dhac loogu geystay gurigooda ku yaala Muqdisho . Mu'asasada oo uu fadhigeedu yahay Muqdisho waa hay’ad aan faa'iido doon ahayn oo ujeedadeedu tahay hagaajinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo waaxda deegaanka ee Soomaaliya si loo abuuro, muwaadiniin iskufilan, hal abuur leh oo caafimaad qaba iyada oo loo marayo mashaariicda ay sida firfircoon ugu lug leedahay. Mu'asasaddu waxay dooneysaa inay horumariso nolosha dadka Soomaaliyeed waxayna ku mashquulsan tahay mashruucyo gacan ka geysanaya horumarinta dhismaha dalka iyadoo maalgelin lagu sameynayo dhallinyarada taas oo loo marayo dhisidda iskuulo si wanaagsan uga qalabaysan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah islamarkaasina lacag la’aan ah oo ay heli karaan dhamaan dadka. waxay awood siisay dadkeeda wayna sii wadaa inay sameyso tas-hiilaad daryeel caafimaad oo bilaash ah oo looga goleeyahay caawinta kuwa ugu nugul xaga caafimaadka sida haweenka uurka leh iyo caruurta. Yasmin foundation waxay isku dayeysaa inay waxbarashada ka dhigto mid la heli karo islamarkaana bilaash ah iyadoo la tixgelinayo xaqiiqda ah in dadka Soomaaliyeed badankood ay ku nool yihiin meel ka hoosaysa heerka saboolnimada Mu'asasadu waxay aaminsan tahay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya sidaa darteedna waxay qaadatay mas'uuliyadda in aysan qeyb ka noqon oo keliya isbedelkan weyn laakiin ay si weyn u maal gashato hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee Soomaaliya kuwaas oo isbeddel u horseedi doono iyadoo la siinayo dhallinyarada maskaxda leh hadiyadda weyn ee waxbarashada. Mu'asasada waxay u sii gudubtay inay bulshada ka wacyi galiyo ilaalinta deegaanka iyo faa'iidooyinkiisa isla markaana hubiso in mashaariicdiisu ay yihiin kuwo waara oo deegaanka u habboon.
Himilada Mu'asasadu
Carruurta ku nool Soomaaliya waxay fursad u heli doonaan waxbarasho lacag la’aan ah.
Hadafka Yasmin Foundation
Yasmin Foundation waa hay'ad samafal ah oo hagaajisa tayada nolosha bulshada iyadoo siineysa waxbarasho bilaash ah, daryeel caafimaad oo bilaash ah, biyo nadiif ah oo bilaash ah iyo in ay baraan sida loo ilaaliyo deegaankooda.